Quantcast
Channel: Layaabka – Qubanaha.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 42

Markii ugu horeysay oo Tartanka kubadda cagta ee Soomaalida oo lagu qabanaayo Garoonka Caalamiga ah ee kooxda Fayenoord Holland.

$
0
0

Tartanka  Kubada Cagta  ayaa markii ugu horaysay  lagu qabanayaa Garoonka Caalamiga ah ee Fayenoord ee Magaalada Rotterdam  ee  wadanka Holland,iyadoo ay tartankaan ka  qeybgalayaan 16 kooxood oo ka socda dhamaan Gobolada  Wadanka Holland.

Tartankaan oo lagu magacaabo Rotterdam Futsal Tournamentt 2014 ayaa  waxaa loogu tala galay in la qabto xiligaa qaboobaha,iyadoo  tartankaan uu noqonayo midkii ugu horeeyay ee Garoon Heer Caalami ah  lagu qabto wadanka Holland ,waxaana tartankaan lagu dhiragalinayaa Dhalinyarada Wadanka Holland.

Cabdi Shakuur Hussien oo ah Gudomiyaha  Gudiga Qabanqaabada tartankaan ayaa warbaahinta u sheegay in Tartankaan uu  yahay mid dhalinyarada iyo qeybaha Bulshada ay isku arkayaan,loona baahanyahay in dhalinyaradu ay helaan fursado fiican oo ay ku muujiyaan xirfadooda Sporti.

Koobkan ayaa ahaan doono mid Joogta ah,waxaana  cidii ku guulaysta lasiin doonaa abaalmarin qaali ah,waxaana sidoo kale tartankaan aad uga qeybqaadanya  Ganacsatada Rotterdam.

“Magaalada Rotterdam waa Maagalo ay Soomaalidu ku badanyihiin,waana magaalada kaliya ee Holland ee ganasiga Soomaalida uu yahay mid balaraan,waana magaalo ay deganyihiin Dhalinyaro firfircoon,aqoonyahano,siyaasiyin Culmo udiin,iyo wariyayaal,waana muhiim in dadkaas oo dhan la isku keeno si Bulshada kale ee uga dhexmuuqdaan”ayuu yiri C/fitaax Aswad oo loo yaqaan maclin Afgooye oo ka mida qabanqaabiyaasha tartankaan

Hadaba Fahfaahinta tartankaan ku saabsan ee uu gudigu soo saaray hoos ka aqrisso

Waxaa dhawaan Magaalada Rotterdam ee Dalka Holland lagu qabanayaa Koobka xiiliga qaboobaha Rotterdam Futsal Tournamentt 2014 ee soo qabanqaabiyeen Ururka Harsom ee ka dhisan Magaalada Rotterdam.
Waxaa kaso qayb galaya ilaa 16 kooxdood oo isugu jira kuwa gudaha & Dibedda ah
Koobka ayaa loogu tala galay isfahamka Dhalinyarada & isdhex galka Bulshada kaaso la qaban doono 23-November-2014  oo maalin Axad ah
Xafladda waxay bilaaban doontaa 09.00 subaxnimo
Waxaa jira Music & heeso ay ku madadaalin doonanan kaso qayb galayaasha Fanaaniinta ku nool wadanka Holland

Ugu dambeyn waxan ugu baaqaynaa dhamaan waxgaradka iyo Bulshada soomaliyyed inay kaso qayb galaan maalintaan qaaliga ah
Waxaa lagu ciyaari doonaa Top Sport Centrum Rotterdam kuna dhegan Stadium-ka weyn ee Feijnoord ee Magaalada Rotterdam
Adress : Van Zandvlietplein 20
                3077 AA Rotterdamm
                 
Wixii faafahin intaa dheer kala xiriir
Maamulka Harsom
Abdishakuur  Hussein
Abdifitaah Aswad
Liibaan Honest
Tell 0684049967
Tell 0684167566

kuip1 kuip2 kuip3rotrdam

 


liibaan


Viewing all articles
Browse latest Browse all 42

Trending Articles