Quantcast
Channel: Layaabka – Qubanaha.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 42

Safiirka Marooko oo ka hadlay tacadi biliiska Nederland u geystay wiil yar

$
0
0

Axad 21-09-2014….Waxaa ka hadlay safiirka Nederland u fadhiya Nederland ka dib markii wiil Nederalandees ah oo asal ahaan Marookaan ah oo biliiska ku bilaabay in uu ku weeraro garuumo taasoo lala yaabay iyadoo aysan jirin wax sabab ah oo amar diido ah oo uu wiilka sameeyey sida aad ka arki karto filimka hoose.

 

Safiirka Marooko u fadhiya wadanka Nederland ayaa soo booqday aabaha iyo wiilkiisa tacadiga loo geystay iyadoo biliiska ay isticmaaleen awood ku takrifal taasoo abuurtay in dacwo rasmi ah safiirka  u gudbiyo dowlada Nederland looga cabaaayo tacadigaan ka dhacay magaalada adduunka ku caanbaxday nabada saldhigna u ah maxkamada caalamiga ah ee dambiyada.

Shicibka ku nool xaafada Schilderswijk oo ka tirsan magaalada Den Haag [The Hague] ayaa badanaa siyaasiyiinta Nederland ka dhigteen bartilmaameed ay marwalba ula dhaqmaan sida in aysan ka tirsanayn shicib weynaha Nederland oo ka kooban qowmiyado isu yimid oo calanka iyo wadanku ka dhaxeeyo cadaaladana ay tahay loo wada sinaado.

Waxaa badanaa bartilmaameed ka dhigtay oo ay noqotay caadadiisa kaligii taliye cunsuri hogaamiyaha xisbiga Muslim nacaybka ku gaamuray ee Geert Wilders oo u adeega in uu bulshoweynta Nederland iska horkeeno isagoo u adeegayo dano shisheeye.

 

Xigasho: Joornaalka Soomaalida Nederland

www.somculned.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 42

Trending Articles