Quantcast
Channel: Layaabka – Qubanaha.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 42

Duuliye laysan la’aan lagu qabtay oo la xukumay.

$
0
0

Duuliye u dhashay wadanka Iswiidhan oo ay qabteen biliiska gaadiidka cirka ee  Nederland isagoo ka duuli lahaa gegida diyaaradaha ee magaalada Amsterdam ee Schiphol sannadkii 2010 ayaa waxaa lagu xukumay  16 beri oo xabsi ah iyo 4 kun Yuuro ganaax ah .NInkaan oo lagu sheegay in la yiraa magaciisa Thomas S oo 43 jir ah una dhashay wadanka Iswiidhan ayaa isagoo diyaaradii uu duulinayey ka duuli lahayd saacado ka hor goor ay fiid ahayd sannadkii 2010. Amsterdam kuna sii jeedeen magaalada Ankara ee wadanka Turkiga.

Thomas S ayaa markii la qabtay sheegay in uu sannooyin badan ku duulayey laysanka uu been abuuray isagoo sheegay in uu ka dhacay laysinkiisii hore dib dambana uusan u cusboonaysiisan.

Waa markii ugu horeysay inta la ogyahay oo duuliye laysin la’aan ah lagu qabto isagoo diyaarada duulinaya. Thomas S ayaa u duulayey shirkada Turki ah laakiin mudo ku duulayey laysinka uu been abuuray.

Haddii Thomas S u suurtagashay in uu ku duulo Yurub gudaheeda ka waran wadamo ay ka mid yihiin Soomaaliya iyo dunida 3 aad oo dhan.

Biliiska gaadiidka cirka  ee Nederland ayaan sheegin sida ay ku ogaadeen in Thomas S laysinka uu wato uu khalad ahaana mid uu  been abuuray ama false.

[JSN]Isha wararka: Biliiska gaadiidka Cirka Nederland

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 42

Trending Articles