Quantcast
Channel: Layaabka – Qubanaha.com
Viewing all 42 articles
Browse latest View live

Sideed Timahaaga u ilaalisaa?(Qormo xiiso u leh Dumarka).

$
0
0

Gabdho badan waxay ka cabsadaan in timahooda quruxdoodu ay tagto ama nafaqo beelaan, waxayna tamaniyaan in ay helaan habka ay ku soo celin lahaayeen quruxdii timahooda. Laakiin gabadh walbaa waa in ay ogaataa waxa timaha quruxda ka kaxeeya kana khariba timaha, hadii ay arimahaas iska ilaalisana waxaa usoo noqonaysa quruxdii timahaheeda. creatine

 

Arimaha timaha xumeeya :

 

Kala badbadalka habka timaha loo shanleeyo.

Mar walba oo la midabeeyo timaha.

Jawiga � hawada � is badbadalkiida.

Sida khaldan ee loola dhaqmo timaha.

Isticmaalka qalabka qalajiya timaha wax badan.

Biyo kulul oo lagu dhaqo timaha.

 

Arimahaasi waxay u sababtaa timaha duciifnimo, waxayna yaraysaa quruxdii iyo adkeyntii timaha. Hadaad tahay gabdhaha moodada la socda marwalba, badalana timaha moodeelkooda iyo midabkooda, waxaa fiican inaad ka fakarto dhawr jeer intaadan samayn, adoo ka eegaya dhinacyo kala duwan, sida inuu dhib , daciifnimo iyo daadasho ukeeni karo timahaaga. Labo kala dooro:

 

Inaad mar walba timahaaga badbadashid moodeelkooda iyo midabkoodaba oo sidaa aad ku khasaartid timahaaga, iyo inaad timahaaga nafaqaysid oo aad u hagaajisatid sida dabiiciga ah ee ayna ku jirin kiimiko dhib ukeeni karta timaha.

 

Hadaad dooratay mida labaad waxaad qaadan kartaa nasteexoyinkan:

 

Waa inaad timaha si fiican u nafaqaysaa, oo aad cuntaa cuntada protinka ka kooban maadada la yiraahdo kryatin � Creatine�, saas darteed waxaa fiican inaad cunto hilib aan lahayn subag iyo kaluun, ukun , fuul, waxa laga sameeyay caanaha ee uu subagu ku yar yahay, lawska, iyo faakahada ( furuut), sidaas ayeey iinsha Allaah dabeeciga quruxda timahaagu ku ilaalismeysaa, caafimaadna ku siineysaa

Nadaafada timaha ilaali. Waxaad dhaqi kartaa timaha 3jeer wiigii, shaambooga mar kaliya isticmaal wiigii, 2da jeer ee kalana biyo kaliya ha ahaadaan, sababta oo ah isticmaalka badan ee shaambooga iyo biyaha kulul uma fiicna timaha.

Waxaad timaha ku dhaqaysid ha ahaado nooc markiiba biyaha raacaya, waayo noocayada qaar shaambooga kamid ahi, waxay qaadataa waqti dheer in ay ka dhaqmaan, waxayna keentaa marmarka qaarkood in wax ku haraan, adiga oo moodaya inaad ka dhaqday, taasina waxay ukeenaysaa timaha qalayl badan iyo adayg.

Markaad isticmaashid shaambooga kaga dhaq timaha biyo yara qaboow, oo aad ku dartay qaado ama malqacad ah �khalka tufaaxa�, sababta oo ah isticmaalka badan ee shaambooga, waxay ukeentaa timaha dhibaato, markaad isticmaashid biyaha qaboow iyo khalka tufaaxuna, waxay ka bi�in timaha shaambooga kugu hadhay, waxayna ilaalin caafimaadka timaha.

Kahor intaadan isticmaalin qalajisada-timaha, waa inaad timaha kala bixisaa si tartiib ah, waana inaad timaha ka yara fogeysaa mashiinka-timaha, intaadan isticmaalin mashiinka-timahana, timaha mari kareem, sababta oo ah kareemku wuxuu timaha ka ilaalinayaa kuleyka badan.

Hamarsan saliida timaha markaad seexanaysid habeenkii, sababta oo ah waxay daalisaa saliidu timaha guntooda , ee marso maalinimadii.

 

WQ:Sucaad.A. Maxamed

info@qubanaha.com


Hurdada badan haweenka Malagu furaa ?(Qormo Xiiso Leh)

$
0
0

Haweenka Kuwooda Hurdada badan waa kuwa ugu Furiinka badan, Inkastoo haweenku simneen hadana Alle Dabeecadaha muusan ka dhigin kuwa ay ka wada siman yihiin dhamaantood waxaa La xaqiijiyey Daraasad dhawaanahan la sameeyey in haweenka Hurdada badan ka kasbasha Fududyihiin Furiinka Kuwa Kale.
Daarasad gaaban oo lasameeyey ayaa lagu ogaaday in Haweenka La soo Furo ubadan yihiin kuwa Waqtiyada qaar iska hurda daraasadan oo xaqiijisay arinkan ayaa ka hadashay in hurdada badan ay dhaafineyso waxyaabo muhiim u ahaa Dhisnaanta Gurigaaa.
Subaxdii oo hurdada lagu daahaa waxay sababtaa in Haweeneydu ka caajisto Abaabulka Agabka guriga sida Quraacda iyo Kala hagaajinta Guriga waxayna ugu danbeyn sababsataa in Muran badan ka dhasho hurdadaas dabadeedna Lagu kala boodo Gurigaas.
Waa Talo Cajiib ah, Dumaroow iska yareeya hurdada badan waxay sababi kartaa in aqalkiinu si sahal ah ku burburo waana daaqad dhaxani kaasoo gali karto hadii aadan ka taxadarin.

 

Madaxweyne Shariif oo Sodogiis Siiyay Xubintii Baarlamaanka ee Banaadiriga.

$
0
0

Muran ayaa ka dhex taagan beesha Banaadiriga ee la isku yiraahdo 12-ka Koofi, kadib markii Madaxweyne Shariif Sh. Axmed xubintii Baarlamaan ee ay lahaayeen beeshaasi uu siiyay Odayga dhalay Xaaska Labaad ee uu qabo.

Waxaa xubintaasi hada haaya horayna u haayay Xildhibaan Garweyne Kuulow Aweys, sidaasina ku weyn doona marka la soo xulo Baarlamaanka cusub, taasoo muran fara badan ka dhex dhalisay beesha Banaadiriga oo dacwada ay gaarto Madaxweynaha maadaama uu isagu liiska ku daray Sodohgiis.

 

 

Xaaska Shariifka ee Aabaheed u qalqaalisay Xildhibaanka Beeshooda

abaayo1

Madaxweyne Shariif ayaa xubinta Banaadiriga siiyay Suldaan Mustafa Xaaji oo ah sodogiis dhalayna Xaaska Labaad ee Madaxweyne Shariif  oo lagu magacaabo Faadumo Mustafa Xaaji.

Xildhibaan Garweyne Kuulow Aweys ayaa arintaasi ku tilmaamay gef uu Madaxweyne Shariif u geystay beesha uu madalo isla markaana wuxuu ugu baaqay in uu faraha kala baxo qabiilka uu gabadha ka qabo soona fara gashan.
“Annaga beel ahaan ayaa xaq u leh inaan ka tashano xildhibaanka cida noo noqoneysa, madaxweyne Shariif beeshiisa ha u qeybiyo xildhibaanada ee kuweena faraha hakala baxo” ayuu yiri Garweyne Kuullo.

www.qubanaha.com

Computer qabanayo Shaqada Tifaftirka wargeysyada.(War bixin xiiso leh).

$
0
0

Suxufiyiinta Mustaqbalka ayaa ah qaar aan qaadaneyn wakhti ay ku nastaan isla markaana si aad u dhakhso badan wax u qoraya kuwaas oo aan ka wer wereyn in shaqada laga fadhiisiyo ama ay ka gaboobaan.

Suxufiyiintan oo aan ahayn dad laakiin ah Qalab Kumbuyuuter ah oo aad u casri ah oo qoraalada u bedelaya maqaallo iyo warar sida ay sheegeen khubarada Kumbuyuuterkan sameeyey, Kumbuyuuterkan oo ay sameysay shirkad Japan ahi ayaa ah mid loo sameeyey sida dadka kaas oo qori doona jaraa,idada iyo websiteyada isaga oo si aad u dhakhso badan u kalla diraya qoraalada aadka u badan ee kusoo dhacaya jariirada.

Khubarada Kumbuyuuterkan sameeyey ayaa sheegay in loo isticmaali doono gaar ahaan Jaraa,idka ka hadla dhaqaalaha iyo Ciyaaraha iyada oo xisaabaadka iyo qoraalkaba lagu barnaamij gareeyey, Kumbuyuuterkani uu awood u leeyahay in uu Tafaftiro wararka iyo maqaalada badan ee kusoo dhacaya.

Christian Hammond oo madax ka ah qeybta Technologyga ee shirkada Narateph Science ayaa sheegay in ay iminkaba isticmaalaan Kumbuyuuterkaa suxufiga ah isaga oo xusay in ay macmiil la yihiin 40 jariiradood oo ay kumbuyuutaradaa u diraan iyada oo ay kamid yihiin jariirado waaweyn oo ay kamid tahay jariirada Forbes, Christian ayaa sheegay in Kumbuyuuterkan Suxufiga ah oo isticmaalaya farsamo aad u casri ah uu awood u leeyahay inuu bayaanada iyo qoraalada isku dhex daadsan uu u bedelli karo qaar si fudud loo akhriyi karo.

Christian Hammond ayaa sheegay in Jariiradaha isticmaala kumbuyuuterkaa intooda badan shaqada ka socota marka sadex meelood loo qeybiyo laba meelood ay qabtaan Kumbuyuutaradaa Suxufiyiinta ah halka meesha soo hadha ay qabtaan Suxufiyiinta caadiga ah ama dadka ah, Mas,uulkan ayaa xusay inay Jariiradahan wararka iyo maqaalada qaar kamida ay u diraan Suxufiyiinta dadka ah si ay u akhriyaan halka qaar kalle oo badan oo Bayaanadaa ah ay si toosa ugu diraan Kumbuyuuterka Suxufiga ah oo uu isagu kalla habeysto qoraalka.

 

Godob guur iyo murugo qoys: “qiso naxtin leh”

$
0
0

Qisadaan ayaa waxa ay ku bilabatay hab somalida inta badan marka ay maqasho ah mid lagu farxo kadib markii koox raga oo ku hubeysan qoryaha fudfudud isla markaana wata dhowr gaari oo kuwa raaxada ah ay gurigiisa ay ugu yimadeen aabe daganaa degaanka tareedisho ee duleedka magalada muqdisho isla markaana ay ku wargaliyeen in ay ka donayaan gabar isaga uu dhalay hada ahatee odayga oo la sheegay inuu la fajacay nimankaan hubeysan ee doonaya gabadhiisa ayaa ku wargaliyay ragu inay dib u labtaan ayna soomaraan hanaanka dhaqanka soomalida oo ay iska soo hormariyaan odayashooda taasina ay ka dhaga adegeen ragii hubeysnaa oo gafuurada ay u duubnayeen ayna u shegeen taasi inay tahay wax mar hore laga soo gudbay ayna donayaan in gabadha uu ku wareejiyo .

abahaan oo lagu magacaabi jiray c/laahi xasan ayaa isga oo donaya in xalada sidagan uga fakiro waxa uu ka codsaday ragii ugu yimid gurigiisa in ay usoo labtaan maalin kadib si uu ula tashado goyskiisa waxa uuna ku wargaliyay xaladii dhacday reerkiisa tasoo keentay in qoyskoo dhan ay ka didaan arinta isla markaana gabadha la donayo oo lagu magacaabi jiray shukri c/laahi xasan aheydna 15 jir dhigata iskuulka aqoon bile  in ay isaga tagto guriga oo ay aado reer kale oo qaraabo la ahaa qoyska oo daganaa degmada xamarweyne ee gobolka banaadir , waxase xaladu xumatay markii ay ragii dib usoo labteen malintii dambe oo ay odayga la balansanayeen  kadibna odayga uu usheegay sida ay wax u dhaceen markaas oo si qasab ah u sarteen gadiidkii ay wateen abihii ay ka donayeen gabadha ayna ku xireen meel duur ah oo saldhig ay ku lahayeen oo duleedka kaga tala degaanka km13

goyskiisa oo kadaba firxaday odayga ayaa markii ay u tageen nimankaas weydiyeen waxa ay ka donayaan waxa ayna ku yirahdeen waxa la idinkarabaa inaad keentaan gabadhii hadii kale odayga wuu ridoobay iyagoo gacmaha ku heysta midiyo oo ay kolba dhinac kaga calinayaan odayga oo ay ku handadayaan taasina waxa ay qasab kaga dhigtay qoyska reer c/laahi xasan in ay dib ugu yeraan gabadhoodii shukri c/laahi xasan si ay u badbadiyaan nafta abaha reerka markii dambana ay gabadhu ku qasbanatay in ay dib ugu labato deganka km13   halka nimankii xooga ku heystay odayga lagu qanciyay in odayga ay siidayaan  taa badalkeedna la siiyo gabadha.

Lasaco Qeybte kale oo xiiso Gooni leh Bariti Insha,alah
Wariye Ahmed Abuukar “Azhari”

Godob guur iyo murugo qoys: “qiso naxtin leh” (la soco Qeybtii 2aad)

$
0
0

malintii dambe oo ay aheyd in lasiiyo  gabadha yimadeena guriga ayaa waxa uu odayga u sheegay in uu doonayo inuu siiyo gabadha balse waxa uu weydiiyay in ay baraan ninka uu siinaayo gabadhiisa  kadibna maxa dhacay
waxa sharaxaya maxamed c/laahi xasan oo gabadha walaala ahayeen .”ninku waxay dhaheen waa nin muhaajir ah oo afganistaan ka yimid wajigiisana lama furaayo waa xaraan in la furo ,gabadha silaamku ka soo dontay ma sinee  ama ma sinaysid aabe waxa uu ku yiri nin cadaan ah oo meel aan u raacdo aan aqoon ma siinaayo gabadhayda markiiba meesha ayayba handadaad ku sameyeen oo midiyo qarqaroofan ayay la soo baxeen oo afbadan waxayna dhaheen qoyrta ayaan ka goynaynaa murtadaa tahay gabadhana waan wadanaynaa haa nin cadaan ah gabadhaada ma sinaysid miyaa ? aabe ayaa ku jawaabay ma siinaayo nin cadaan ah gabadhayda waxaana sinayaa nin somali ah oo aan garanaayo meel aan u raacdo saas markay dhacday hadana odaygii ayay garba duub u xireen maro weyn ayayna wajiga uga dubeen gabadhana soo bixiya ayay dhaheen saas markay dhacday hooyo ayaa ku tiri ninkii turjumaanka u ahaa ajnabiga war gabadha wata oo odayga siidaaya wayahay ayay yirahdeen  aabe waxa uu yiri gabadha soo laguma mehrinaayo ninka oo culimo ma la donaayo waxayna yirahdeen waxaas ma jiraan amarku waa diini gabadhuna saas ayay ku mehersan tahay hadii amiirka iyo gabadha isracaan waa lagaa qabaa gabadha ”

amakaaga qoyska dhan haystay waxa uu ku koobnaa sida ay uga xumayeen in gabadhooda uu si qasab ah kaga kaxeysto nin ajnabi ah oo ayna garaneen waxa uu yahay iyo meel ay u raad racaan toona .
hasa ahatee xaladu waxa ay ka sii dartay marka uu soo baxay war ku saabsan in gabadhii gabi ahaanba qoorta laga gooyay maxayse arintu sidaas u noqotay waa kan markale maxamed c/laahi xasan “”””””marka ay guriga geysteen oo ay naga wateen oo mudo naga maqneed waxaan wacnay talefonkeeda waxa naga qabtay ninkii ajnabiga ahaa waa uu nagu damiyay ,gabadhii meel aan kala xiriirno waan garan weynay markii dambe waxaan wacnay ninkii turjumaanka u ahaa ajnabiga waxaana dhahnay waxaan rabnaa inaan la hadlno oo la xiriirno gabadhayna waxa uu yiri gabadhiina amarka islaamka ayay jabisay ninkii muhajirka ahaa oo amiirka noo ahaa oo la siiyay ayay diiday marka qoyrta ayaa laga jaray weyna dhimatay gabadhaas ee samir iyo imaan alahaa idinka siiyo , marka aabe dhiikar ayuu qabay arintaas markay dhacday oo uu maqlay habeenkii oo dhan waa la haayay “wuu xanuunsanaa” markii deambe wuu dhintay anaga gabadhii meedkeeda meel aan u raacno waan garan weynay iyo meel ay ku qasheen markii aan dhahnay nasiiya meedka aan ku qanacnee waxay dhaheen ma jiraan waxaas marka waxaa noo cad in ay qaleen gabadha hadii ay diiday ninkii cadaanka ahaa ,waxay soo dirtay masej dilkeeda ka hor oo waxa ay tiri ninkaan xaraan ayuu rabaa inu iigu galmoodo mana ogolaan doono waan ka soo dhumanayaa ee aabe samir marka hadii ay diiday inuu u galmoodo ninka ajnabiga ah sidaas in lagu goracay ayaan u malenayaa “””””
qoyska reer c/laahi xasan oo wajahay xalad mugdi ah mar hadii ay wayeen abahood c/laahi xasan iyo gabadhoodii heerka sare ka gaartay waxbarashada ee shukri c/laahi xasan waxa ay go,aan ku gareen in ay isaga tagaan magalada muqdisho ayna adaan xerooyinka qaxootiga ee kenya waxaase go,aankaasi diiday maxamed c/laahi xasan oo ku qasbanaday in uu u fikiro sida uu uga aar goosan lahaa  kuwii badan xalada madow isagoo ka codsanaayo dowlada kumeelgaarka somaliya iyo qeybaha kala duwan ee bulshada in ay ku gargaraan sida uu xisaabtan ula gali lahaa kuwii ka dambeeyay xalada murugada badan ee lasoo gudbonatay qoyskiisa waxuuna yiri”””nimankaan cadowgeena ah ee xaraanta ku wadanaaya gabdhaheyna somaliyeed ww muslimiinta ah kuna qarabanaaya magacdimeed waa inaan iska dhicinaa cis walibana waxaan ka codsanayaa inay igu gacan siiso sidii aan xisaabtan ula gali lahaa kuwaan imaja xabiyay ibadayna nolosha aan hada ku nolahay “””””””””””

soo ifbixida qisadaan naxtinta iyo argagaxa leh ayaa imanaysa xili dadka somaliyeed ay isla dhexmarayaan mudooyinkii dambe oo dhan falal ka baxsan shareecada islaamka iyo dhaqanka soomalida oo ay soo kordhiyeen kooxaha ajaanibta ah oo sidoo kale ku taba baray dhalin yaro somali ah in si

qasab ah ay u ka xeystaan gabdho somaliyeed iyadoo diin looga dhigaayo inaysan u bahneen wax fasax ah oo ay ka helaan qoyska ay gabdhahaasi ka soo jedaan .

Wariye Ahmed Abuukar “Azhari”

www.qubanaha.com

Hooyo ku dhibaataysan Sweden oo ka warantay qiso xanuun badan …(Akhriso)

$
0
0

Hooyo ku sugan dalka swedan qaasatan magalada Malmö aya lakulmay maalin anigo tareen saaran ayan ku dhex arkay iyado ku dhibaataysan tareenka dushiisa iyado ay wadatay 4 caruur oo aabo la,aan markii aan uso dhawaaday ayan waxan ka wareystay xalada ay ku sugantahay waxayna iigu sheegtay xaladeyda mid aad iyo aad u cakiran waayo hada waxa bilowday Vinter kii dalkii oodhan wa wada baraf runtii nolosha ay ku jirtay anigo ah mr qurbaani aad ayan uuga qiirooday waxana ka codsaday in ay noloshayda dhabta ah iiga sheegayso madama aan fursad weyn u haystay waxan so qaatay labtoob, waxan bilabay shaqadayda oo ahayd in aan singale mother hooyo ah oo aan maanta lakulmay iigana ogolaatay in ay noloshayda wax iiga shegto waxayna ku bilowday sidatan .

Runtii waxa tahay wiil aad iyo aad u fiican sidaas daraded ayan ku ogolaaday in aan sheekadayda wax ka sheego lkin waxan ku weydiina adiga Abwaan miya tahay mise wariye madax banaan runtii sikastaba ha ahaate wan ku shegaya aniga magacayga waa Sahro Warsame wadankaan markii aan so galay ayan magaca iska bedelay waxan la baxay Xaawo runtii wadankaani waxan so galay 2002 bishi 12 ayan so galay anigo so maray marxalado kala duwan waxana usabab ahay in aan tahriib noloshayda so galiyo marki aad fiiriso wadankayna hooyo malinta malinta kasi dambeyso ayu xumanaya waxana somaray dhibaato aad uweyn o aan halkaan kuso koobi karin.

Muqdisho ayan degana qasatan Dagamada Madiino waxan lanoolay aabahayga iyo hooyadayda oo aad ii jeclaa noloshaydana waxan ubaahna wa la ii siin jiray noloshaydana waligay dhibaato kuma arag lkin waxa xaqiiqa ah marki aan somali kaso tagay 2000 kii oo aan uso bareeray dhanka tahluukada runtii tahriib marki aad maqasho wa tahlusha aya dhagahaaga kuso dhacayan waxan imaday dhanka ithobiya marki aan imaaday xafada boole aya kuso degtay oo meshan degan ii noqday intii aan ithobiya jogay meeshii ayan isku baranay wiil joogay xaafadas o magaciisa ahay Mohamed waa wiil fican runtii intii aan boole jogay asiga aya waxwalba iiqaban jiray lakin wuxu ahay in dan gooni ah iiga laahay lakin aniga midasi dhug uma lahayn.

Kadib waxa dhacday in muqalaski aan sugaynay in uu habeyn habeenada kamid ah anigo jiifo in uu saqda dhexe ii imaaday oo idhahay cawa aya baxaysa isla waqtigan diyaar garow sacad kadib ayan kuso labana anigo wato taxi kadib wuu i imaday nasiib wanag aniga iyo Mohamed isku waqti ayan noqonay baabuurkii ayan isku aragnay safarki ayan si wadanay runtii safarka ma aysan ahayn safar sahal ah waxa laso marayay xuduudii ithobiya adigo usii gudbayso xuduuda suudaan waxa maraysa wado aad u raf ah u silac ah habeynki odhan ayan lug ku jirnay ila waaga uu ka baryo waxa mooda in la garay malinti qiyaamo.

 

Alxaasil waxa so garay qartuum iyado moodo in ay nafta naga baxday sidi aan uso soconay waxan imaanay qartuum markasi aya nafta nagu so noqotay habeynki koowad oodhan wan jiifay ilaa maalintii 2aad kadib ayan is aragnay Mohamed anago moodo in aan u ekaanay dadkii wadanka degana cml kadib wada hadal ayan bilownay aniga iyo Mohamed wuxu iiga codsaday in uu jaceyl ii qaday ila waqtigi ila waqtigan u ijecelyahay anigana kama diidin wan ka aqbalay waayo waxan ahay qof kaligiis ah ilaa aan kaso qaangaaro wax jacyl ah ama wax xiirir ah maba sameyn waligay intaan muqdisho jogay.

Kadib waxan bilownay in aan dadka kale aan kala dhexbaxno o si gooni gooni ah isku raadsano alxaasil waqti dheer noguma qadan ilaa 4 bilood ayan ku sugnayn suudann kadib waxan garay in aan ku aqal galno sida ay soomalida u taqan qudbo siro runtii aniga wan maqli jiray heblaayo aya nin qudbo siro uraacday lkin aniga ayay maanta igu dhacday iyado walidkay ogayn ayan nin qaatay tasna sababta aan u sameyay maba aqan waayo asbaabihii aan wadanka uugu so haajiray weli maba garin weli waxan dhex jooga afrika iyado weli meel ii dhoweyn ayan nin qarsaday hadiiba aan shegi lahay weyba iidhacan lahayd.

Iyado taas jirto aya Mohamed isku daya marwalba in uu inaagaysto anigana inta badan wan ka diidi jiray waxan dhihi jiray waxan adiga aya iska leh markii aan meel fican gaarno hano ahaato lkin taas aniga wan ku guul dareystay habeyn habenada kamid ah ayuu shilqool iidhigay anigana habeynkaas shilqoolkaas wan ka baxsan wayay iyado usabab noqotay inn aan miir beelo kadib liiga suubsado wixi uu damacsanay habeyn kas ayay gabarnimadayda udhamaatay kadibna waxan noqonay nin iyo naagtiisa mudo kadib waxan qaday uur uurkaso uqaaday mohamed kadib anigo xaamilo ah ayan liibiya imaaday kadib liibiya ayaa gabar iyo wiil ku dhalay kadib Mohamed isma so racin sababtii uso bixi wayay kolay ma aqan kadib wuxu idhehay aniga maso baxayo wayo walidkay wey idiideyn in aan safarka si wato hadana waxan raba in aan ku furo hadana labo dalaaq ayan ku furay ayuu idhehay telkana wuu iigu damiyay anigo yaban o wax la,aan ihayso aya hadana furiin iigu daray.

Waxan iska haystay caroordeyda hadana anigo yaban aya hadana noloshayda markale kuso biiray wiilkale oohadana sidaso kale garab weyn isiyay waxwalba ubaahanahay ii qaban jiray wiilkaaso lagu magacaabo Faarax inkasto nimanka laga marman tahay aya hadana noloshada si sahal ah kuso biirayan hadana waxa dhacday in Faarax i jeclaado lkin xanaqi Mohamed u qabay ayan marwalba kala dhaca asigana waxba uma arka kolay nin dan la madaalo hore aya lo yiri alxaasil Faarax iyo aniga isku doon ayan noqonay waxan imaaday italia ayan galnay farahii aniga wan ka badbaaday wayo marki aan so galay isbitaal ayan dalbaday anigo ul a jeedo in aan faraha ka baxsado hadana marki aan banaan ka isku aragnay Faarax ayan go,aan ku garay in aan hadana is guursano talyaaniga ayan ku aqalgalnay marlabaad meeshi ayan degnay aniga shaqo ayan bilabay mudo kadib hadana uur kale aya iigu so baxay anigo uurkas hadana u qaaday ninki Faarax ahay anigo 78bilood ayan kaso tagay talyaaniga waxan so galay wadanka swedan waxan sheegtay in aan ahay single mother ilmahana abahood wanba dilay anigo dantayda garin nin dambo maba rabo swedan ayan sharci ka qaatay deganansho ayanba ka dhigtayy swedan mudo kadib waxa iso radiyay Faarax .

Marki aan ushegay arinti wu qadan wayay sabab maxa sidaas usameyay ayuu idhahay anigana wan ka diiday in aan shegto asigana wuu i furay wuuna iga dhaqaajiyay anigana waxan go,aan ku garay in aan nin dambe guursanin aan korsado 4 caruur inkasto single mother ay dhib badantahay subixi schoola aya aadaysa caruurta aya kicinaysa wax garab ku siinayo malahana kaliga waye aya guri weyn lagu siina qof ku wehliyo malahan ilmihi aya gari ku jiidaysa wala silcaysa wna rafaadaysa runti single mother sahal mahan nolshayda xita habeynkii marki ay caruurta ka sexdan kaliga aya guriga jogayso wax ku shegaynayo malahan treen aya racaysa gariga wax kuso qadayo malahan mamarka qaar nimanka gaalada aya ku sacidayan niman badan aya i imaday ayago i raban aniga diiday wayo nin wuxu yahay hore ayan uso arkay.

wax faaiido maleh kuli wa isku mid raggo dhan wa danayste dantooda marki ay ka garan dhulka ayay ku jiidan anigana waxan go,aan ku garay inaan caruurtayga korsado wan ogahay in ay aabo ubaahanyihin lkin aabo o swedan jogo aabo la,aan aya dhaanta runtii marki an swedan imaaday aad ayan u cidlooday hadana waan la qabsaday runtii nolosha marmarka qaar waxay ku tusinaysa wajiyaal badan sidi aya nolosha kula qabsaday rafaadki aya ilmahayga ku koreyn iyago aabo la,aan ah wayo dunida intad ku nooshahay waxa fican in aad so dhibaatodo wayo hadi kale wax garad maba noqonayso mana laga yaabo in aad nolosha laqabsado hada fiiri aniga maxa iiga maqan wan cuna wan caba carurtaydana caruraha kale uma xuma in ay ka wanagsanyihin maahine single mother runtii wa shay wadanka yurub kuso badanaayo.

Waxana usabab ah iyado ay keentay raggii in ay is bedelayn naagihina ka si daran ya lays aminin aya ka dhacday markaaas aya keentay in an wadankaan ku noqono single mother mr qurbaani runtii aniga majeclayn in aan sheekadayda cid uuga sheekayo lkin adiga maanta wan ka shegayay mana aqan waxa usabab ah mahadsanid.

Taas waxay ahayd walashayna qaaliga ah Sahro oo ku sugan dalka swedan

walaahi aad ayaan uuga qiirooda markii aan arko single mother o dhib haysta intaas aya kuso gabagabayna mowluucayna maanta aan ka hadlayay .

 www.qubanaha.com

qubanaha@yahoo.com

Waa qalinka uqaatay Wariye Mohamud Adaani Buubshe.

buubshe1020@hotmail.com

Umeå.iswedan

Ila qosol


DAAWO SAWIRADA YAAB BADAN:Ciyaar kubada Dabka ah oo laga Ciyaaro mid kamid ah Dalalka Islaamka(Sawiro)

$
0
0

Dalka Indonesia oo ah dalka ku yaalo qaarada Asia ayaa leh caadooyin kala duwan, mid kamid ah caadooyinkaas waxaa ka mid ah iyagoo ku ciyaar qunbaha oo holcaya sidii ku bad oo kale taas ka dhageeso arin soo jiidasho u leh caalamka.

Ciyaartan oo loogu magacdaray Kubada Dabka ayaa ah Qunbaha isaga oo holcaya lagu ciyaaro sidii kubadda oo kale waa caada gaar u ah dadka daga bariga java, waana caado inta badan ay soo bandhigaan dhalinyarada iyo ardayda wax ka dhigata school-lada.

Dhalinyarada ayaa qunbaha ugu ciyaaro si ku dheehan xirfad iyo geesinimo taas oo ka dhigeesa ciyaarta wax aad u quruxbadan inta badan la mooda in ay cayaarayaan kubadda cagta.

Inta aysan bilaaban cayaarta waxaa jiro hordhac duco taas oo lagu duceysanayo in uu dabka ka holcaya qunbaha uusan noqon mid guba Dhalinyarada ku ciyaareysa Qumbaha ololaya.

soo bandhigista cayaataan ayaa soconeesa muda dhan 60 daqiiqo, inta ay socotay ciyaarta waxaa lagu dheelay 6 madax oo qunbe oo olalaya , taa oo ka dhigan in 10-Daqiiqo kasta garoonka lasoo galiyo Qumbo culus oo aad u holcaya.

Ciyaartan la yaabka leh ee laga Ciyaaro Qeybo kamid ah Dalka Indonesia ayaa noqotay mid layaab badan oo soo jiidatay indhaha Caalamka .

Daawo Sawirada 

Xigasho Saafi Films







Haweeney jirta 109-sano oo u dabaaldegtey gabarnimadeedii mudo kusoo jirtay oo aan hoodi la oran(Daawo Sawirada)

$
0
0

Iyadoo ku faraxsan Clara Meadmore in ay wali tahay gabar aan hoodi la oran oo lugaheeda la kala qaadin (bikro) ayay u dabaaldegtey da’adii 109-aad bishan October, waxaana arintan ay shaaca ka qaaday sanakdii 2008-dii oo ay xiligaasi u dabaaldegay da’da 105 sano.

Clara waxay sheegtey inaanay waligeed guursan ama aanay sameyn boodbood sariir iyadoo sheegtey in ay tahay sidii ay hooyadeed ku dhashay oo ay ka caagan tahay faraka ciyaarka ragga iyo hablaha dhexmara, iyadoo sheegtey in nolasheeda intii badneyd ay aheyd qof aad u mashquul badanyed ayna maaro iyo taag u hayn wax sheeko ah.

Clara oo degan deegaanka Perranporth, ee gobolka Cornwall ee dhaca Koonfurta Galbeed ee England ayaa sheegtey in xitaa aanay waligeed yeelan wiil saaxiib ah, waxaana iyadoo arinkaasi ka sheekaynaysa tiri “Waligey ma aanay yeelan wiil saaxiib ah, waligey nafteyda kuma dhibin inaan mashquul galiyo, marka aad gabar tahay waxa kaliya ee aad sariir bood bood la gali kartaa waa ninkaaga, anigu wax guur ah ma sameyn”.

Clara waxay sheegtey in ay jireen rag badan oo ay is garanayeen balse aanay jirin damac dheeraad ah oo ka galay in ay ilaa badda gunteeda isla tagaan,.

Clara Meadmore oo xiligan haysta rikoorka haweenayda gabarnimadeeda aan wali taaban ee dalka UK waxay sheegtey in xiligan isbadal uu ku dhacay dhalinyarada.

“Hada wax kasta waxay u muuqdaan dhaqso ama boobsiis, ma garanayo waxa ay dhalin badan u sameynayaan waxyaabaha qaarkodo ama waxa ka qaldan, waan hubaa oo taasi mid isbadal ah” ayey tiri Clara oo walaac ka muujisay dhalinyarada xiligan joogta.

Clara Meadmore oo ahaan jirtey xogeyn (secretary) waxay sheegtey in xiligeedii ay dhalinyarada aheyd sanadihii 1920-tameeyadii iyo sodomeeyadii 1930s ciyaaraha sariiruhu ay bulshadeeda u ahaayeen oo kaliya in la is guursado balse waxay sheegtey in haatan dhaqanka bulshada ay ka soo jeedo uu aad isu badaley.

Miss Meadmore ayaa ku dhalatey magaalada Glasgow ee gobolka Scotland ee dalka UK sanadkii 1903-dii waxay dunida u soo joogtey isbadalo badan waxay sheegtey in ay maqaleysay sheekadii markabkii degay ee Titanic sanadkii 1912, waxay u soo joogtey dagaalkii koowaad ee aduunka iyo kii labaad.

Sanadka ay dhalatey ee 1903, waa sanadkii Cuba ay Mareykanka ku wareejisay gacanka Guantanamo Bay, waa sanadkii la aasaasay shirkada Pepsi Cola, sidoo kale shirkada gawaarida ee Ford ayaa la aasaasay.

Clara Meadmore waxay ku tilmaamtey arinteeda inay tahay guul xaga nolasha ah oo ay ka doorbiday inay guursato, iyadoo xustey in aaminsan tahay cimriga u dheeraaday nolasheeda inay tahay in ay meel iska saartey in guursato, go’aankaasi oo ay qaadatey iyadoo 12 sano jir iyadoo ah.

“Tiro ka dhawr jeer ayaa la iisoo gudbiyey dalab guur, laakiin dhamaantood dhabarka ayaan xijiyey waayo ma dooneyn inaan mashquul noqdo” ayay hadalkeeda ku dartey Clara oo sheegtey in ay ka doorbiday in intii aay xanaaneyn laheyd Ninkii guursada inay wax akhriso, wax karsato, dhir beerto, socoto waqtiga u soo hara ay dhageysato Raadiyaha gaar ahaan barnaamijyada haweenka ka hadlaya.

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliid.haji@allsbc.com

www.qubanaha.com

Qubanaha@yahoo.com


Duuliye laysan la’aan lagu qabtay oo la xukumay.

$
0
0

Duuliye u dhashay wadanka Iswiidhan oo ay qabteen biliiska gaadiidka cirka ee  Nederland isagoo ka duuli lahaa gegida diyaaradaha ee magaalada Amsterdam ee Schiphol sannadkii 2010 ayaa waxaa lagu xukumay  16 beri oo xabsi ah iyo 4 kun Yuuro ganaax ah .NInkaan oo lagu sheegay in la yiraa magaciisa Thomas S oo 43 jir ah una dhashay wadanka Iswiidhan ayaa isagoo diyaaradii uu duulinayey ka duuli lahayd saacado ka hor goor ay fiid ahayd sannadkii 2010. Amsterdam kuna sii jeedeen magaalada Ankara ee wadanka Turkiga.

Thomas S ayaa markii la qabtay sheegay in uu sannooyin badan ku duulayey laysanka uu been abuuray isagoo sheegay in uu ka dhacay laysinkiisii hore dib dambana uusan u cusboonaysiisan.

Waa markii ugu horeysay inta la ogyahay oo duuliye laysin la’aan ah lagu qabto isagoo diyaarada duulinaya. Thomas S ayaa u duulayey shirkada Turki ah laakiin mudo ku duulayey laysinka uu been abuuray.

Haddii Thomas S u suurtagashay in uu ku duulo Yurub gudaheeda ka waran wadamo ay ka mid yihiin Soomaaliya iyo dunida 3 aad oo dhan.

Biliiska gaadiidka cirka  ee Nederland ayaan sheegin sida ay ku ogaadeen in Thomas S laysinka uu wato uu khalad ahaana mid uu  been abuuray ama false.

[JSN]Isha wararka: Biliiska gaadiidka Cirka Nederland

 

wax,yabaha mucjisoyinka alla ku cimri qado (Dawasho wacan )

Lamaane Aroos ah oo Hub Sita Mid kamid ah Layaabka Caalamka(Daaawo Sawiro)

$
0
0

Dukaan lagu iibiyo qoryaha dagaalka iyo xabadaha ayaa khidmadkiisa ku daray abaabulida aroosyada, iyadoo labada caruus la siinayo qoryo iyo rasaas ay ridaan waqtiga arooska, iyagoo bixinaaya lacag dhan seddex boqol oo dollarka Maraykanka ah ($300Us).

Waxay xaq u leeyihiin inay helaan wadaad isu guuriyo labada caruus oo naftiisa huwan qori ama bastoolad iyo rasaas iyo inay helaan qol lagu xiray ‘target-yo’ ay xabadeeyaan, si ay u bartaan xabad ridida iyo qori tuurka.

Dad badani oo xiiseeya qoryaha iyo ugaarsiga ayaa aad u soo dhaweeyay nidaamkaan cusub ee la’isu aroosaayo barashada qori qaadka iyo rasaas ridida, waxayna sheegeen dukaankaasi uu heli doono macaamiil badan oo u badan dadka Maraykanka ah iyo kuwa kale ee ka imanaaya dacalada Caalamka.

Haweney Dishay Canugeeda (Dawo Video)

$
0
0

mom-kills-baby-autisticMaxkamad ku taala dalkaas Ingiriiska ayaa waxaa lasheegay inay xukun xabsi daa’in ah ku xukuntey hooyo ku nool dalkaas Ingiriiska oo la sheegay inay si xun oo arxan daro ah ay u dishay oo ay gudha uga jartey  wiilkeeda yar oo ay dhashay ka dibna ay dab qabadsiisay wiilkaas yar oo ay gubtey iyadoo oo ka carootey marki uu wiilkaasi xafidi waayey quraanka kariimka.

Hooyadaan oo lagu magacaabo Sara Ege oo 33 sano jir ah kuna nool magaalada Cardiff, Walles ee dalkaas Boqortooyada Ingiriiska ayaa sanadkii 2010 waxay si                             xun u garaacday wiil yar oo 7 sano jir ahaa oo ay  dhashay oo lagu magacaabi jirey Yaseen Ege ilaa uu  ka dhinto ka dibna hooyadaas ayaa meydka wiilkaas                             iyo qeyb ka mid ah gurigaba dab qabadsiisay si ay  u qariso waxa ay geysatey, Hooyadaan ayaa waxaa la sheegay inay ka carootey ka dib markii uu wiilkeeda   ka soo bixi waayey oo uu xafidi waayey quraanka kariimka  oo uuna korka ka aqrin waayey quraankaas taas oo hooyadasna sidii ay wiilkeeda u garaacaysay ay nafta  ka qaaday, hooyadaan oo markii hore qarisay inay dish wiilkeeda islamarkaana loo wada qaatey inuu wiilka ku dhintey dab ka kacay guriga ayaa baaritaan lagu   sameeyey wiilkaas waxaa uu cadeeyey in dabkaas ka hor uu wiilkaasi yar geeriyooday taas oo keentay in    hooyadaas loo qabto arintaas ka dibna ay qiratey inay    dishay wiilkeeda ka dib caro weyn ay qaaaday xafidi la’aanta quraanka

Danwaco Ku nool London oo Guri kala Baxaday Canug yar oo Bilo jira(Daawo )

$
0
0

danwacoDawaco magaaleed ku nool magaalada London ee wadanka Ingiriiska ayaa sida lagu soo waramay sheegaysa in ay ilmo yar oo bilo jiro intay guri ugu gashay hooyadii ilmahaan dhashay oo mashquul ku ah gurigeeda ay aragtay ilmihii oo ka maqan gaarigii lagu waday oo uu saarnaa.

Hooyada ayaa markii ay ilmaheed bilaha jiray raadisay aragtay ilmaheedii oo ay dawaco sii wadato ka dib intay ka daba oroday ka soo dhigatay. Cunugii ayaa gacantii ay dawacada ka qabsatay wax ka soo gaareen. Hooyadii ayaa la yaabtay in iyadoo ku nool magaalada London oo ah magaalo weeyn biliiska ayay u yeertay ilmihiina waxaa la geeyey cisbitaalka halkaasoo gacantii laga daaweeyey.

Magaalada London ayaa waxaa ku nool dawaco magaaleed badan oo aad arki karto maalin iyo habeen. Dhacdadaan waxay ka dhacday xaafada la yiraa Bromley oo ka tirsan 33 xaafadood oo ay magaalada London ka koobantahay.

Duqa magaalada London mudane Boris Johson ayaa sheegay in ay dhacdadaan  tahay mid laga naxo, Wuxuu sheegay in uu dhibaatada ay ku hayso dawacada magaaladiisa uu wax ka qaban doono. Khubaro ku xeeldheer xayawaanka ayaa sheegay in ay ugu wacantahay dadka oo quudiya dawacada taasoo keenaysa in ay dawacada aysan ka bixin magaalada oo ka mid noqoto reer magaalka magaalada London.

Dawacada ku dhaqan magaalada London oo aad u badan ayaa xitaa waxaa la sheegay in ay taqaan sida ay jidka u goyn lahayd sida marka uu jidka ka xiranyahay ay istaagto marka uu u furanyahayna ay marto.

 www.qubanaha.com

www.somculned.com


Madaxweyne Mwai Kibaki oo arin yaab leh ku dhacday (Maxay tahay ?) +Daawo

Layaab Maclin aan Gacmo laheyn oo Lugihiisa Ardayda Wax ugu Qoraayo (Daawo)

$
0
0

Dalka Hindia oo ah Dal dadkiisa ,aad u tirabadan yihiin ,ayaa ah dalka ugu horeya ee Caalamka ee ay ka dhacaan wax yaabaha Mucjisooyinka ah ,waxaana warbaahinta ay halkaasi ka soo wariyaan badanaa warar marka ad akhrisid aad la yaabeysid.

Hadaba todobaad kan, ayaa waxaa saxaafada Wadanakasi ay soo bandhigtay Arin Mucjiso ah oo la yaab ku noqtay dad badan oo caalamka ku nool ,waxaana arinkaasi uu haa. Nin ka mid ah dadka cuur yaanka ah oo aan la heyn wax gacmo ah in uu arday wax udhigo isagoo lugihiisa ku qaata jeesada sabuurada lagu qoro kadibna si caadi ah wax ugu qoraayo oo aan marna qaldeynin xitaa hal erey.

Sawir laga sooq aaday nin kaasi mucjisada ah, ayaa saxaafada soo ban dhigtay ,iyadoo sawirkaasina la arkaayey isagoo lugtiisa ku heysta jeeso dabadena ku qoraayo sabuurada ayna ka daba qorayaan ardayda.

macalin

Halkaan hoose Firi 

Dawo Shekadaan Adiga ayaa Yaabidoonee!

$
0
0

Qaybta Ila qosol waxaan idiinku haynaa nin madoow oo qolyaha wax sixro ah oo boorso inta lagu soo dhex riday suuq dadka madoow nin cad uga tagay oo intay ku xamaameen ay ka dhacday kabtaydii ma aragtay bal adigaba fiirso oo ka bogo.

http://www.qubanaha.com/25495/

Wiil 4 jir ah oo ku nool Hargeesa oo oo wada xifdisan Siyaasiyiinta Caalamka iyo Soomaaliya(Mucjiso Daawo)

$
0
0

Magaalada Hargeesa ee Caasimadda Soomaaliland waxaa ku nool wiil yar oo 4 jir ah kaasi oo la soo baxay Mucjiso ,waxana wiil kaasi lagu magacaabaa Maxamed C/qadir.

Maxamed C/qadir ayaa waxaa dhawaan ku booqday gurigiisa Wariyaal rer Soomaliland ah oo ka socday shabakada Hardhwanaagnews ,waxaana ay weydiyeen Su’aalo ku saabsan Aduunka iyo Madaxweynayaasha Adunka  qaarkood isagoona siwanaasagn ugu jawabaay.

Marka aad daawato wiilkan Yar Qaabka uu ugu jawaabayo Su’aalaha ,laweydiinaayo waxaa durba dareemeysaa in uu mucjiso yahay waayo Su’aalaha uu ka jawaabaayo xitaa Magarankaan Dad isaga ka waa weyn .

Halkaan Hoose ka daawo

http://www.qubanaha.com/28002/

Boliska Holland oo Dooliyaal u tabaray Ogaanshaha qofka Toogashada Geysta.+Daawo

$
0
0

Policeka wadan ka Holland ,ayaa waxaa ay saxaafada u soo gudbiyeen Arin cajiib kadib markii ay sheegen in ay Tabareen Dooliyaal wax uriya kuwaasi oo so saarikara Qofka geysta toogasho.

Police ka Rotterdam  ,ayaa Rajeynaaya  in ay noqdaan policekii aduuka ee ugu horeyey oo Jiirka u adeegsada in ay baaraan shilalka sababa Toogashada iyagoona  baaritankooda u adeegsanaayo  Dooliga Ama Jiirka wax urin sida uu daabacay Wargeyska la dhaho Volkskrant.

Ilaa iyo hada waxa la tababaray shan ka mid ah Dooliga ama jiirka ku waasi oo ay tababareen Police Rotterdam, waxaana loo bixiyey magaca Baarayaal ah caan ah   sida , Derrick, Magnum, Poirot iyo Johnson & Johnston, iyadoo tijaabadii ugu horeysayna lagu guuleystay .

‘ waxaan u is ticmaalikrtaa dooliyaashaan ,sida xiriga ,iyo wax urinta sida uu  u shegay mid kamid ah tabarayaasha oo lagu magacaabo  Monique Hamerslag Volkskrant. ‘ sidookale waxaa uu sheegay in ay ka fakarayaan sida Daroogada ,lacagta ,jirka ,Dhiiga ,iyo waxyabe kale oo ay ka mid yihiin qaraxyada ,

Wargeeyska arikaan daaacay ,ayaa waxaa uu sheegay tabarka noocan ah ee Dooliyaasha lagu tababaraayo in aysan lacag badan ku baxeynin iyo waqtibadan ,wanaana uu wargeyska intaasi ku daray in ay leeyihiin Aragti iyo Dareen ka xoog badan kan eeyaha ,iyadoo sidookale la sheegay in xitaa Afrika marka la jogo loo addgsado  Hab miino baaris ah.

Dooliyaasha ,ayaa waxaa ay Booliska u adeegsandoonaan in ay cadeeyaan Dadka isticmaala Qorayaha ee xabda rida ,geestana shilalka toogashada ,iygoos si deg deg ah u sheegaayo qofkasi sida uu u sheegay afhayeenka Policeka Marc Wiebes Tv wadanka ee  Nos .

Halkaan hoose ka daawo 

http://nos.nl/video/547897-ratten-helpen-politie-met-sporenonderzoek.html

www.qubanaha.com

Qubanaha@hotmail.com

Viewing all 42 articles
Browse latest View live