Quantcast
Channel: Layaabka – Qubanaha.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 42

Hotel ku yaala Nigeria oo lagu cuno hilibka dadka (By Liida)

$
0
0

Hotel ku yaala magaalada anambra ee wadanka Nigeria ayaa la shaaciyay in lagu qabtay hilibka dadka ayagoo ka gadayay dadka soo booqda hotelkaas.

meat

Police-ka ayaa shaaciyay in ay heleen labo madax oo dad ah  kagadaal marki ay xabsiga  u taxaabeen 11 qofood oo ka howl galeesay hotelkaas iyo weliba milkiilaha hotelka iyo 6 haween iyo 4 rag ah.

Waxaa laga helay hotelka madaxyo go go an oo ku duuban wax yaabaha celinaya dhiiga oo ay ugu talagaleen si uusan dibada ugu soo daadan dhiiga.

“markasta waan imaadaa hotelka, sababtoo ah hotelka waxuu aad ugu dhow yahay suuqa, markastana waxaan ku arkaa wax aan la yaabo oo kasoo baxa gudahana u gala, dad wasaqesan muuqaal ahaan iyo dabeecada ahaanba xun ayaa imaada  hotelka. Anigana ma la yaabin marki aan maqlay in Police-ka ay ogaadeen arinkan”   waxaa sidaas yiri qof ak daganaa hotelka.

mid ka mid ah wadaadada  diinta Christian-ka ayaa la yaabay marki uu maqlay in hotelkaas lagu qabtay hilib dad, wadaadkii oo yaaban ayaa yiri

“waxaan tagay hotelka sanadkan bilowgiisii, marki aan cunay kadib ayaa lee sheegay in aan bixiyo 2.5 dollar waxaana cunay cad yar oo hilib ah, waan la yaabay cadkaas yar  ee hilibka ah iyo qiimahiisa oo aad u badan.”

Hadaba waa markii ugu horeesay oo dhacdo nuucan oo kale ah ka dhacda wadanka islaamku ku badan yahay ee Nigeria, inkasto haatan gabi ahaanba albaabada loo laabay hotelka laakin waxaa laga cabsi qabaa in ay jiri karaan hotelo badan oo sidan sameenaya laakin aan laga war qabin.

Fetah Ali(Liida)

Fitaax1me@hotmail.com         

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 42

Trending Articles