Maxkamad ku taala dalkaas Ingiriiska ayaa waxaa lasheegay inay xukun xabsi daa’in ah ku xukuntey hooyo ku nool dalkaas Ingiriiska oo la sheegay inay si xun oo arxan daro ah ay u dishay oo ay gudha uga jartey wiilkeeda yar oo ay dhashay ka dibna ay dab qabadsiisay wiilkaas yar oo ay gubtey iyadoo oo ka carootey marki uu wiilkaasi xafidi waayey quraanka kariimka.
Hooyadaan oo lagu magacaabo Sara Ege oo 33 sano jir ah kuna nool magaalada Cardiff, Walles ee dalkaas Boqortooyada Ingiriiska ayaa sanadkii 2010 waxay si xun u garaacday wiil yar oo 7 sano jir ahaa oo ay dhashay oo lagu magacaabi jirey Yaseen Ege ilaa uu ka dhinto ka dibna hooyadaas ayaa meydka wiilkaas iyo qeyb ka mid ah gurigaba dab qabadsiisay si ay u qariso waxa ay geysatey, Hooyadaan ayaa waxaa la sheegay inay ka carootey ka dib markii uu wiilkeeda ka soo bixi waayey oo uu xafidi waayey quraanka kariimka oo uuna korka ka aqrin waayey quraankaas taas oo hooyadasna sidii ay wiilkeeda u garaacaysay ay nafta ka qaaday, hooyadaan oo markii hore qarisay inay dish wiilkeeda islamarkaana loo wada qaatey inuu wiilka ku dhintey dab ka kacay guriga ayaa baaritaan lagu sameeyey wiilkaas waxaa uu cadeeyey in dabkaas ka hor uu wiilkaasi yar geeriyooday taas oo keentay in hooyadaas loo qabto arintaas ka dibna ay qiratey inay dishay wiilkeeda ka dib caro weyn ay qaaaday xafidi la’aanta quraanka